Waa Maxay Sababta Uu Willian Gabi Ahaan Ku Seegi Karo Final-ka FA Cup-ka Ee Ay Chelsea La Ciyaari Doonto Arsenal.

Tababaraha kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa ka fiirsanaya in uu gabi ahaanba xidiga garabka ka ciyaara ee Willian ka reebo Liiska xiddigaha Final-ka FA Cup-ka ee Sabtida ay Blues la ciyaari doonto kooxda Arsenal sabab la xidhiidha xiisaha ay Gunners u qabto saxiixa xiddiga reer Brazil.

31 jirkan ayaa saxiixay heshiis wakhti gaaban ah oo uu xilli ciyaareedka kula dhamaysanayo kooxda chelsea laakiin waxa uu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa fog ee kooxda.

Xilli ay Wakiilada Willian raadinayaan heshiis 3 sano ah chelsea ayaa kaliya xiddiga u soo bandhigaya heshiis 2 sano ah.

Kooxda Arsenal ayaa dhankeeda doonaysa saxiixa xiddiga iyaga oo diyaar u ah in ay miiska saarto heshiiska uu xiddigu dalbanayo.

Chelsea ayaa haatan filaysa in uu Willian ku biiro kooxda Mikel Arteta suuqa xagaaga wargayska The Sun ayaana sheegaya in uu Lampard doonayo in uu ka saaro liiska xiddigaha ka hor tagi doona Arsenal sabab la xidhiidha in ku biiristiisa Gunners ay saamayn ku yeelato qaab ciyaareedkiisa.

Sii Akhriso: Itoobiya Oo Ka Digtay Sal Dhiga Militari Ee Ay Masar Ka Doonayso Somaliland, Maxay Tahay Sababtu.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*