Waa Maxay Sababta Uu Thiago Alcântara U Diiday In Uu Taabto Calaamada “This is Anfield”

Xiddiga cusub ee kooxda Liverpool ee Thiago Alcântara ayaa iska diiday in uu taabto calaamada “This Is Annfield” ee ku taala dusha sare ee Albaabka laga soo galo garoonka Liverpool ee Anfield.

Xiddiga reer Spain ayaa xagaagii ku soo biiray kooxda Liverpool kadib muddo dheer oo lala xidhiidhinayay isaga oo ka mid noqday saxiixyadii Reds ee xagaagii.

Thiago Alcântara ayaa ku dhibaatoonaya dhaawac tan ilaa markii uu ku soo biiray isaga oo ciyaaray hal kulan iyo 45 daqiiqo intii uu joogay.

Laakiin waa maxay sababta uu Thiago Alcântara U diiday in uu taabto calaamada “This Is Anfield”:

Thiago Alcântara ayaa diiday in uu taabto calaamada “This Is Anfield” maalintii la soo bandhigay sida ay sameeyaan xiddigo badan oo Liverpool ah.

Xiddiga ayaa diiday in uu taabto calaamada “This Is Anfield” waxana uu sheegay in uuna taaban doonin ilaa inta uu kooxda koob kula guulaysanayo.

“Si aan u taabano calaamada waa in aan u qalano kuna guulaysto koob sidaas darteed waa sababta aan u taaban waayay, waanan Ixtiraamayaa Dhaqanka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*