Waa Maxay Sababta Uu Mikel Arteta Maamulka Arsenal Ugu Riixayo In Ay La Soo Saxiixdaan Willian?

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa dabada ka riixaya doonista Arsenal ee xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Willian kaas oo ay ku doonayso in ay xor ku hesho xiddiga.

Sababta uu Mikel Arteta u doonayo in uu helo saxiixa xiddiga reer Brazil ayaa ah in uu doonayo in uu khibradiisa uga faa’iideeyo xiddigaha da’yarka ah ee kooxda Arsenal jooga.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa xor noqon dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib champions League waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo.

Arsenal ayaa la sheegayaa in ay Willian miiska u saartay heshiis 3 sano ah oo waxana laga yaabaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo heshiiska.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta xiddiga reer Brazil u doonayo khibradiisa fiican ee uu u leeyahay premier League iyo waliba tartamada kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*