Waa Maxay Sababta Uu Kai Havertz Ku Seegay Final-ka FA Cup-ka?

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Kai Havertz ayaa dhaawac ku seegay kulanka Final-ka FA Cup-ka.

Xiddiga reer Germany oo ku bilowday shaxda kooxdiisa 5-tii kualn ee ugu dambeeyay ayaa kaydka ku bilowday labadii kulan ee ugu dambeeyay isaga oo ka dambeeyay Romelu Lukaku.

Xiddiga Kai Havertz ayaa la filayay in uu ka qayb qaato final-ka FA Cup-ka laakiin xiddiga ayaan xitaa ka soo muuqan kaydka kooxdiisa kulanka.

Sida laga soo xigtay Sky Sport, Kai Havertz ayaa u seegay kulanka sabab la xidhiidha dhaawac muruqa ka soo gaadhay.

Sida ay haatan arimuhu yihiin, xiddiga 22 jirka ah ayaa ka maqnaan doona kooxda Chelsea kulamada Leicester City iyo Watford kulamada ugu dambeeya xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*