Waa Maxay Sababta Uu Joel Matip Gabi Ahaan Ku Seegay Kulanka Brighton?

Daafaca dhexe ee kooxda Liverpool ee Joel Matip ayaa seegay gabi ahaan kulanka ay Liverpool la ciyaarayso kooxda Brighton kana tirsan horyaalka premier League.

Tababare Jurgen Klopp ayaa soo saaray shaxda uu kaga hor iman doono Brighton waxana gabi ahaan ka maqnaa daafaca Joel Matip.

Taageerayaasha Liverpool ayaa bilaabay in ay si waydiiyaan sababta uu Matip ku seegay kulanka iyaga oo ka cabsi qaba in uu dhaawacmay.

Laakiin xiddiga reer Cameroon ayaa laga reebay Liiska si uu u helo nasasho maadama uuna kulan walba ciyaari karin.

Shabakada BT Sport ayaa sheegtay in uuna Matip dhaawacmin laakiin looga reebay kulanka si uu u heo nasasho fiican ka hor kulanka Ajax.

Sii Akhriso: Laba Qarax Oo Khasaare Weyn Ka Dhashay Oo Ka Dhacay Muqdisho 12 Saac Gudohood

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*