Waa Maxay Sababta Uu Gudoomiye Ku Xigeenka Man United Ee Ed Woodward Uga Cabsi Qabo In Uu Paul Pogba Iibiyo?

Gudoomiye ku xigeenka kooxda Man United ee Ed Woodward ayaa lagu soo waramaaya in uuna doonayn in uu kooxda ka iibiyo xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Paul Pogba inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Waxa ay u muuqataa mid aan suurtagal ahayn in ay Red Devils ogolaato in ay iibiso xiddiga sabab la xidhiidha in uu xidhmay suuqii premier League.

Taas oo aan ka hor istaagi karin in uu Pogba isaga tago Man United hadana waxa ay la macno tahay in ayna kooxdu la soo saxiixan karin badalkiisa ilaa inta laga gaadhayo January taas oo khatar weyn ku ah kooxda.

Wargayska AS ayaa dhankiisa sheegaya in sababta dhabta ah ee uuna Ed Woodward u ogolaan doonin uu Pogba ka tago kooxda Man United xagaagan ayaa ah in uu ka cabsi qabo in uu waayo shaqadiisa sabab la xidhiidha fal celiska iyo cadhada taageerayaasha Man United.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa haatanba ka xanaajiyay taageerayaasha Man United sabab la xidhiidha in uuna wax saxiix ah samayn maalintii ugu dambaysay ee suuqa premier League inkasta oo ay taageerayaashu sugayeen xiddigo cusub gaar ahaan weeraryahan toos ah ama khadka dhexe.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*