Waa Maxay Sababta Uu Cristiano Ronaldo Mar Walba U Go’aansado Laadista Rikoodhada 5-aad Ee Ugu Dambaysa

Xiddiga kooxda Juventus iyo xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa mar walba laagta rikoodhada 5-aad ee ugu dambaysa marka la gaadho rikoodhayaasha kulamada Final-ka ama kulamada bug baxa.

Taas ayaa keentay in taageerayaasha Juventus iyo kuwa kubada cagtuba is waydiiyaan sababta uu mar walba rikoodhada ugu dambaysa u qaato.

Xiddiga 35 jirka ah ee Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga rioodhayaasha ugu badan dhaliyay ciyaartoyada haatan ciyaara kubada cagta.

Xiddiga reer Portugla ee Cristiano Ronaldo ayaa ilaa haatan xirfadiisa ciyaareed laagtay 145 waxana uu dhaliyay 122 taas oo cel-celis ahaan u dhiganta 84%.

Hadii aynu eegno rikoodhayaasha kadib dhamaadka wakhtiga dabiiciga ah ee ciyaarta waxa uu wajahay 8 rikoodhe xirfadiisa ciyaareed.

4 Ka mid ah wuu guulaystay halka 4 ka mid ah laga badiyay waliba rikoodhada ugu dambeeya isaga ayaa dhaliyay 4-ta uu guulaystay.

Hadaba waa maxay sababta uu Cristiano Ronaldo mar walba u qaato rikoodhada 5-aad ee ugu dambaysa?

Hagaag, dadka qaar ayaa sheega in ay tahay kibirkiisa ama isla weyni uu qabo, waan oganahay in uu Cristiano Ronaldo yahay guulayste halis ah waxa uu dhaliyaa goolasha, waxa uu u shaqeeyaa si adag waxana uu dhamaystiraa shaxda.

Laakiin sidoo kale waxa uu jecelyahay kamerooyinka iyo waliba in uu isagu haysto bogaga hore ee wargaysyada sababta oo ah inta badan rikoodhada 5-aad ayaa ah mid go’aamiya kulanka guul ama guuldaro.

Sanadkii 2015 Finalkii champions League Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay rikoodhadii ugu dambaysa ee kulankii Atletico Madrid.

Laakiin hadii ay xiddiguh seegaan rikoodhayaasha hore waxa laga yaabaa in aad seegto laagashada rikoodhada 5-aad.

Cristiano Ronaldo ayaa xiddigaha ay isku kooxda yihiin ku aamina in ay u keenaan rikoodhada 5-aad ama ugu dambaysa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*