Waa Maxay Sababta Mikel Arteta Ku Seegaya Kulanka Southampton.

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa seegi doona kulanka ugu dambeeya ee xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha ganaax.

Tababaraha reer Spain ayaa kaadhka digniinta ah loo taagay ciyaartii ugu dambaysay ee ay kooxdiisu la ciyaartay Newcastle United Axadii kadib markii uu kubad ku laaday garoonka dhexdiisa.

Arteta waxa uu helay jaalihii ugu badnaa ee dhamaan tababarayaasha Premier League xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxa ay ahayd sheeko ka duwan xilli ciyaareedkan.

Laakiin kaliya waxa loo taagay laba kulan oo digniin Ah ka hor kulankii Axadii laakiin midka 3-aad ayaa sababay kulan ganaax ah.

Sidaas darteed Arteta ayaa haatan seegi doona kulan waana kulanka ugu dambeeya ee premier League ay ciyaari doonaan xilli ciyaareedka.

Arteta ayaa seegi doona kulanka ay Arsenal la ciyaari doonto kooxda Southampton kulanka ugu dambeeya xilli ciyaareedka

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga