Waa Maxay Sababta La Yaabka Leh Ee Ay Barcelona Isaga Diiday Saxiixa Xiddiga Mucjisada Ah Ee Alphonso Davies?

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Alphonso Davies ayaa ka ah xiddigaha ugu fiican booskiisa wakhti xaadirka kadib markii uu xilli ciyaareedkii hore is baray adduunka.

Alphonso Davies ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah gaar ahaan kulankii ay Bayern Munich xasuuqday kooxda Barcelona champions League xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin xiddiga ayaa kulankaas difaaci lahaa maaliyada Barcelona halkii uu u ciyaarayay kooxda Bayern Munich.

Hadaba waa maxay Sababta la yaabka leh ee ay Barcelona isaga diiday Saxiixa Alphonso Davies?

Xiddiga Alphonso Davies ayaa kaliya 18 bilood ku noqday xiddig ugu fiican booskiisa isaga soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah laakiin waxa uu ku dhawaaday in uu ku biiro kooxda Barcelona 3 sano ka hor.

Alphonso Davies ayaa loo soo bandhigay kooxda Barcelona iyaga oo ku heli karay saxiixa xiddiga kaliya 6 milyan oo euro waana lacag 4 jeer ka yar lacagtii ay Bayern Munich kula soo saxiixatay.

Indha-indheeyayaasha Barcelona aya si weyn ula dhacay xiddiga Alphonso Davies gaar ahaan Hristo Stoichkov kaas oo si shaqsi ah madaxweynihii hore ee Barcelona ee Josep Bartomue ugula taliyay in uu la soo saxiixdo xiddiga.

Laakiin Madaxweynihii hore ee Barcelona ayaa iska diiday sabab la xidhiidha in uu yahay xiddig u ciyaara dalka Canada waliba uuna dhalashadiisu la qabsan karin kooxda Barcelona.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee kooxda Barcelona ayaa aaminsanaa in uuna xiddigu guulo ka gaadhi doonin kubad Cagta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*