Waa Maxay Sababta Ayna Arsenal U Dhaqan Galin Doonin Halka Sano Ee Dookha Ah Ee Ku Jira Heshiiska Pierre-Emerick Aubameyang

Kooxda Arsenal ayaa dookh u haysata in ay si toos ah hal sano uga saxiixato xiddiga weerarka uga ciyaara ee Pierre-Emerick Aubameyang laakiin kooxda ayaa la sheegayaa in ay go’aansatay in ayna samayn arintaas.

Xiddiga ugu goolasha Badan Arsenal ayaa dhaliyay 2 gool kulankii Watford ee maalintii ugu dambaysay horyaalka premier League isaga oo leh 22 gool laakiin waxa uu heshiiskiisa kooxdu dhici doonaa xagaaga dambe.

Waxa jirta cabsi laga qabo in ay Arsenal iska iibin doonto xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang suuqa xagaaga hadii uu diido in uu heshiis cusub saxiixo halkii ay so xor ah ku waayi lahayd.

Si kasta ha ahaatee wargayska The Athletic ayaa sheegaya in Arsenal ku jirto boos xoogan waliba hal sano oo dookh ah ay si toos ah u dhaqan galin karto.

Arsenal ayaa dhaqan galin karta heshiis 12 bilood ah oo uu Pierre-Emerick Aubameyang ku sii joogi doono kooxda laakiin arinta la yaab leh ayaa ah in ay Arsenal diiday in ay dhaqan  galiso heshiiska.

Sababta ay u diiday ayaa ah in ay kooxdu bixin doonto lacag ka badan inta ay awooda u leedahay kooxdu.

Sababta kale ayaa ah in ayna kooxdu doonayn in ay sii haysato xiddig aan doonayn in uu sii joogo kooxda waxana ay diidayaan in ay dhaawacanto sharafta kooxdu.

Sii Akhriso: Beesha Caalamka Oo Ka Fal Celisay Xil Ka Qaadistii Ra’isal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*