Waa Maxay Sababta Ay Tottenham Ugu Faraxday Ka Tagista Lionel Messi Ee Barcelona?

Taageerayaasha Barcelona iyo Kooxda lafteeda waxa ay u ahayd habeen madaw xalay kadib markii la xaqiijiyay in uu xiddiga Lionel Messi ka tagi doono kooxda oo uuna heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda.

Laakiin “Masiibada qoom waa faa’iidada qoom kale” waxana warkaas si weyn ugu farxay kooxda iyo Taageerayaasha kooxda Tottenham kuwaas oo uu warkaas u noqday saxiix cusub oo kale.

Kooxda Tottenham ayaa si weyn ugu dagaalamaysa sii haysashada xiddigeeda Harry Kane kaas oo si weyn loola xidhiidhinayo kooxda Man City inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Laakiin kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay haatan isaga hadhayso baacsiga ay ugu jirto Harry Kane waliba awooda saari doonto in ay qaab xor ah kula saxiixato xiddiga Lionel Messi.

Warkan ayaa ah mid u fiican kooxda Tottenham kuwaas oo u dagaalamaya sidii ay u sii haysan lahaayeen dhankooda xiddiga Harry kane oo ah xiddiga ugu fiican iyo gool dhaliyohooda.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Cuntooyinka Kor U Qaada Rabitaanka Ragga & Dumarka Ee Kulanka Sariirta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*