Waa Maxay Sababta Ay Taageerayaasha Liverpool Ugu Faraxsanyihiin In Ay Man United Ciyaarayso Champions League

Halyeeyga Kooxda Man United ee Ryan Giggs ayaa sheegay in ay taageerayaasha Liverpool si la mid ah kuwa Man United ugu farxeen in ay Man United u soo baxdo champions League.

Ryan Giggs ayaa si weyn ugu farxay in ay Man United u soo baxday champions League xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay garaacday kooxda Leicester City.

Tababaraha reer Wales oo ka mid ahaa kooxdii Man United ee ku guulaystay champions League 2 jeer ayaa sheegay in ay man United tahay koox mar walba ka ciyaarta champions league.

46 jirka ayaa sheegay sababta ay Taageerayaasha Kooxaha kale ugu farxi doonaan in ay United u soo baxday champions League xilli ciyaareedka dambe.

“Waa Shaqo weyn”ayuu Giggs u sheegay Premier League Productions markii la waydiiyay in Solskjaer iyo kooxdiisu shaqo weyn qabteen u soo bixista champions League.

“Guulihii xidhiidhka ahaa ee ay gaadheen marka la gaadho way u qalmeen in ay u soo baxaan champions League”ayuu sii raaciyay.

“Taageere kasta waxa uu doonayaa in uu Man United ku arko Champions League hadii aad taageerto iyo hadii kalena sababta oo kooxaha waa weyn waxa aad doonaysaa in aad ku aragto champions Leageu”.

Sii Akhriso: WARBIXIN: 5 Qof Oo Ugu Cad-cad In Ay Noqdaan Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*