Waa Maxay Sababta Ay Man United U Doonayso In Uu Lionel Messi Ku Biiro PSG?

Kooxda Man United ayaa rajo fiican ka heshay wararka sheegaya in ay PSG ku dhawdahay saxiixa xiddiga Lionel Messi kadib markii uu ka tagay kooxda Barcelona kadib markii uu dhacay heshiiskiisu.

Lionel Messi ayaa qarka u saaran in uu ku biiro kooxda PSG iyo in uu soo afjaro dhawr sano oo uu joogay kooxda Barcelona isaga oo ogolaaday in uu ka dago kooxda ka dhisan caasimada France.

Ku Biirista Lionel Messi ee PSG ayaa war fiican u ah kooxda Man United kuwaas oo u dagaalamaya sidii ay u sii haysan lahaayeen xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba kaas oo lala xidhiidhinayay kooxda PSG.

Man United ayaa aaminsan in ayna PSG u dhaqaaqi doonin saxiixa Paul Pogba hadii ay la wareegto Lionel Messi suuqa xagaagan maadama ayna bixin karin labadooda mushahar ee aadka u sareeya.

Sidaas darted Red Devils ayaa doonaysa in ay kooxda PSG ku guulaysato saxiixa Lionel Messi kuna garaacdo kooxda Man City oo dhankooda doonaysa saxiixa xiddiga reer Argentine suuqa xagaagan si ay u sii haystaan Paul Pogba.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 6 Sabab Oo Ay Gabadhu Uga Boodo Ninka Kulanka Ugu Horeeya, Iska Ilaali Ninow In Aad Ku Dhacdid

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*