Waa Maxay Sababta Ay Bayern Munich Magaca Xiddigaha Ugu Qorto Halka Ugu Hoosaysa Ee Maaliyada?

Waxa aan in badan aragnay maaliyada kooxda Bayern Munich mar walbana waxa uu magaca Xiddigu ku qoranyahay halka ugu hoosaysa ee maaliyada isaga oo ka hooseeya Lambarka.

Hadaba waa maxay sababta ay Bayern Munich magaca xiddigaha ugu qorto halka ugu hoosaysa ee maaliyada?

Waa arin ka timid in magaca kooxda laga horaysiiyo midka xiddigaha maadaam ay kooxdu ka muhiimsantahay xiddig kasta waana sababta ay kooxdu u dooratay in uu magaca xiddigu ka hooseeyo Lambarka halka ugu saraysana lagu qoro magaca kooxda Waana arin muhiim u ah kooxda laakiin aan ahayn arin dhanka suuq gaynta maaliyada ah.

Kooxda Bayern Munich ayaa bilowday in ay magaca kooxda ku qorto halka sare ee maaliyada sanadihii 80-tameedyadii tan ilaa haatana may badalin arintaas.

In magaca xiddigaha lagu qoro maaliyada ayaa yimid wakhti dambe iyaga oo bilaabay arintaas kadib markii ay ciyaaraha dalka America guulo ka gaadheen dhanka iibsiga maaliyadaha magaca xiddigu ku daabacanyahay.

In ay kooxdu magaca xiddigaha ku daabacdo maaliyada ayaa markii ugu horaysay yimid sanadkii 1992 kadib guul laga gaadhay tartankii Euro 1992 kadib waxa guulo kale aad u balaadhan laga gaadhay koobkii adduunka ee 1994.

Wixii intaas ka dambeeyay in maaliyada lagu daabaco magaca xiddigaha ayaa noqotay mid qasab ku ah kooxaha oo dhan Bayern Munich ayaana ku biirtay xeerkan.

Waxa ay markii ugu horeeyay iibiyeen maaliyadaha ay ku daabacanyihiin magaca xiddigaha xilli ciyaareedkii 1995/1996 laakiin kooxdu waxa ay wali ku adkaystay in uu magaca xiddigu hoos maro magaca kooxduna halka sare maro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*