Waa Maxay Sababta Ay Arsenal Ugu Qasbanaan Karto In Ay Iska Iibiso Bukayo Saka?

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in a ku qasbanaan karto in ay iska iibiso xiddiga aadka loo qiimeeyo ee Bukayo Saka si ay lacag ugu hesho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Rajada Gunners ee u soo bixista tartamada yurub ee xilli ciyaareedka dambe ayaa khatar ku jirta kadib guuldaradii 3/0 ahayd ee ay kala kulantay Liverpool iyaga oo haatan khatar ugu jira in ay seegaan dhamaan tartamada yurub.

Wargayska The Times aya sheegaya in ay Arsenal ku qasbanaan karto in ay iska iibiso xiddiga da’yarka ah ee wacdaraha dhigaya ee Bukayo Saka si ay u hesho lacag ay ku xoojiso kooxda suuqa xagaaga.

Bukayo Saka ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican Arsenal xilli ciyaareedkan hadii uuna ahaynba xiddiga ugu fiican Arsenal isaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan.

Laakiin Gunners ayaa ku qasbanaan karta in ay iibiso xiddiga Bukayo Saka hadii ay doonayaan in ay sameeyaan saxiixyo waaweyn suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Ee Ugu Muhiimsan Ee Lagu Garan Karo Jacaylka Gabadha Xishoodka Badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*