Waa Maxay Sababta Ay Arsenal U Baahantahay In Ay Iibiso 4 Xiddig Inkasta Oo Uu Suuqu Xidhmay?

Arsenal ayaa soo qaadatay suuq guul lagu tilmaami karo kadib markii ay suuqa ugu xidhatay saxiixa Thomas Partey.

Mikel Arteta ayaa khadka dhexe ku xoojiyay xiddiga Thomas Partey halka uu sidoo kale daafaca ku xoojiyay xiddiga Gabriel sidoo kale si xor ah kula soo wareegay Willian.

Gunners ayaa 20 milyan oo euro ku iibisay Goolhaye Emiliano Martinez halka ay sidoo kale iska dirtay xiddigaha Henrikh Mkhitaryan, Lucas Torreira & Matteo Gunedouzi.

Laakiin Arsenal ayaa wali doonaysa in ay dhawr xiddig oo kale iska iibisay kadib markii ay ku fashilmeen in ay iska fasaxaan maalintii ugu dambaysay suuqa.

Arsenal ayaa doonaysa in ay iska fasaxdo 4 xiddig kuwaas oo kala ah Mesut Ozil, Sokratis Papastathopoulos, Sead Kolasinac Iyo Shkodran Mustafi.

Saddexda xiddig ayaa dhexdooda qaata mushahar dhan £630,000 todobaadkii iyada oo uu Ozil ugu mushahar badan yahay.

Maamulka Premier League ayaa doonaya in ay kooxaha Premier League gudbiyaan liiska 25 xiddig ee lagu ciyaari doono xilli ciyaareedka 20 bishan haatan lagu jiro iyada oo ugu yaraan laga doonayo 17 xiddig oo ku Koray England.

Arsenal ayaa ku fashilantay in ay iska iibiso xiddigo badan iyada oo haatan haysata 19 xiddig oo ku koray England kuwaas oo kooxda 1-aad ah.

Taas ayaa la macno ah in ay laba xiddig ku qasbantahay in ay ka reebto kooxda marka la gudbinayo Liiska.

Dabacan Gunners ayaa wali iska iibin karta xiddigaha kooxda 1-aad ee aan ku korin England.

Suuqa kala iibsiga horyaalada qaarkood ayaa furan ilaa 16 bishan haatan lagu jiro laakiin uma badna in ay xiddigaha 4-ta ah ee aan kor ku xusnay ka tagi doonaan kooxda maadama suuqyada furan yihiin kaliya horyaalada heerarka hoose ee yurub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*