Waa Maxay Sababta Arteta U Doonayo Saxiixa Mosquera

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ee 21 jirada ayaa si aad ah loola xiriirinayaa inuu u wareego Emirates Stadium ka dib markii uu sare u kac ku yimid qaab ciyaareedkiisa.

Sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, Arsenal ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay Cristian Mosquera.

Arsenal ayaa laga diiday dalabkoodii furitaanka ahaa oo dhamaa 16 milyan oo euro laakiin waxay ku rajo wayn yihiin inay 21 jirkan ku soo gabagabeeyaan heshiis ku dhow 17 milyan oo euro iyadoo Mikel Arteta uu doonayo inuu ku xoojiyo safkiisa daafaca xilli ciyaareedka 2025-26.

Kooxda Arsenal ayaa laga xidhiidhinayay Dean Huijsen ka hor inta uusan u dhaqaaqin Real Madrid oo uu kaga soo biiray Bournemouth, laakiin Mosquera wuxuu u taagan yahay bedelka la awoodi karo kaasoo uu Arteta ka soo saari karo qaab ciyaareedkiisa ugu fiican.

Arteta ayaa xiddiga Mosquera u arkaa mid booska kula tartami Kara William Saliba iyo Gabriel Magalhaes.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga