Waa Maxay Saamaynta Ay Liverpool Ku Yeelanayso Qaliinka Philippe Coutinho?

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa qaliin jilibka ah mari doona kadib dhaawacii soo gaadhay kulankii Eibar ee horyaalka La Liga.

Xiddiga reer Brazil ayaa kaydka ka soo kacay qaybtii dambe ee ciyaarta laakiin dhaawacmay intii ay ciyaartu dhamaan lagana saaray.

Dhaawaca Philippe Coutinho ayaa la macno ah in uu xiddiga reer Brazil mari doono qaliin jilibka ah taas oo la filayo in uu garoomada ka maqnaado muddo bilo ah.

Dhaawaca soo gaadhay Philippe Coutinho ayaa war xun u ah kooxda Liverpool oo uu xiddigu kaag biiray Barcelona suuqii January 2018.

Kooxda Liverpool ayaa isha ku haysay in ay Barcelona ka hesho lacag dhan 20 milyan ah hadii uu Coutinho ciyaaro 25 kulan xilli ciyaareedkan.

Laakiin dhaawca soo gaadhay ayaa la macno ah in uuna buuxin doonin shardigaas taas ay Liverpool ku qabto khasaare.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*