Waa Maxay Bixitaanka Cristiano Ronaldo Ay War Fiican Ugu Tahay Man United Ka Hor Suuqa January?

Rajadii Manchester United ee ahayd inay la soo saxiixato saxiixyo cusub suuqa January ayaa haatan kor u kacday kadib markii ay kooxdu kansashay heshiiskii Xiddiga Cristiano Ronaldo.

Kadib markii uu Cristiano Ronaldo bixiyay waraysi xasaasi ah oo uu ku weeraray maamulka, tababaraha iyo xiddigaha kooxda, Man United ayaa shaacisay in ay si is af-garad ah ku kansashay heshiiska xiddiga Cristiano Ronaldo.

Cristiano Ronaldo ayaan wax lacag ah ka qaadayn 6-da bilood ee uga hadhay heshiska kooxda taas oo la macno ah in uu xiddigu lacag la’aan ka tagay kooxda.

Bixitaanka Cristiano Ronaldo ayaa la macno ah in ay Man United ilaashatay lacag dhan 15.7 milyan euro oo noqon lahaa heshiiska Cristiano Ronaldo Hadii uu si joogi lahaa kooxda.

Lacagtaas ayay Man United u adeegsan doontaa in ay ku samayso saxiix cusub si ay ugu xoojiso kooxda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*