Waa La Gaadhay Wakhtigii: Jurgen Klopp Oo Go’aansaday In Uu Suuqa January U Galo Daafac Dhexe & 3 Xiddig Oo Uu Calaamadsaday.

Kooxda Liverpool ayaa ku qasbanaan doonta in ay suuqa January gasho xilli ay inta ka dhiman xilli ciyaareedkan waayi doonaan labada xiddig ee dookha 1-aad ee daafaca dhexe.

Joe Gomez ayaa maray qaliin jilibka ah maanta waxana ay kooxdu xaqiijisay in uu garomada ka maqnaan doono inta ugu badan xilli ciyaareedkan hadii uuna seegin inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Joe Gomez ayaa qolka daawaynta kula biiray xiddiga Virgil Van Dijk kaas oo isgana la filayo in uu garoomada ka maqnaado inta ka dhimna xilli ciyaareedkan kadib dhaawac xun oo soo gaadhay.

Arintaas ayaa Jurgen Klopp ku qasbi doonta in uu suuqa galo bisha January si uu u helo daafac uu ku xoojiyo kooxda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaa haatanba ka fiirsanaya Xiddigaha uu doonayo in uu u dhaqaaqo marka la gaadho suuqa January isaga oo doonaya xiddigo daafaca dhexe ka ciyaara.

Xiddigaha Kalidou Koulibaly, Dayot Upamenco Iyo Ozan Kabak ayaa ah 3-da daafac ee uu Jurgen Klopp sida dhabta ah u doonayo saxiixooda ka hor suuqa January.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*