Waa Kuwee Xiddigaha Arsenal Ka Maqnaan Dooan Kulanka Man City Ee Berito

Arsenal ayaa shaaca ka qaaday in laba xiddig ay ka maqnaan doonaan dhankooda kulanka Man City ee semi finalka FA Cup-ka kaasi oo dhacaya berito

Arsenal waxa ay kulanakas galayaan iyadoo ay ka maqan yihiin Calum Chambers kaas oo ka sheeganaya dhaawac iyo goolhaye Bernd Leno kaasi oo isna ka sheeganaya canqawga

Arintaas waxa ay la qabaan xiddigo aan cagta garoonka soo dhigi doonnin illaa dhamaadka xili ciyaareedkaan kuwaasi oo kala ah Pablo Marí iyo Gabriel Martinelli

Tababaraha Arsenal ee Arteta ayaa dhankiisa sheegay in aysan u suura galeyn sidoo kale in uu kulankaas helo weeraryahankiisa Eddie Nketiah iyo garabkiisa midig Cédric Soares

Cédric Soares waxa uusan u safan karin waxa ay tahay isaga oo tartankaan koox kale u soo ciyaaray gaar ahaan kooxda Southamptoon waliba bishii Janaury uu ka hor tagay Huddersfield Town

Halka Eddie Nketiah isna uu ku seegayo ganaax kaasi oo sedex kulan uu ku maqnaanayo ka dib kaarkii casaanka ee uu ku qaatay kulankii Leicester City

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*