Waa Kuma Xiddiga Man United Ee Tababarka Kaga Xanaajiyay Bruno Fernandes + Sababta

Xiddiga da’yarka ah ee kooxda Man United ee Mason Greenwood ayaa lagu soo waramayaa in uu tababarka kaga xanaajiyay xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes.

Wargayska The Times aya sheegaya in uu Bruno Fernandes si weyn uga xanaaqay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Mason Greenwood.

Sababta ayaa ah wax dhacay intii lagu jiray tababarkii jimcihii ee ka horeeyay kulankii Everton ee horyaalka premier League.

Mason Greenwood Ayaa kulankaas ku seegay xanuun sida uu sheegay tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer.

Laakiin wargayska The Times ayaa sheegaya in uu Mason Greenwood si diciifnimo leh u qaatay tababarka ka hor kulankii Everton.

Isla wargayska ayaa sheegay in uu muran soo kala dhex galay labada xiddiga Bruno diiday in uu kubada u dhiibo xiddiga Mason Greenwood intii tababarka lagu jiray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*