Waa Kuma Xiddiga Ciyaaraha Ka Fadhiistay Ee Ay Taageerayaasha Liverpool Doonayaan In Uu Ku Soo Laabto Ciyaarista Kubada Kadib Dhaawacii Joe Gomez.

Taageerayaasha Liverpool ayaa baraha Bulshada Ugu Baaqay Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher si uu uga caawiyo xaalada masiibo ee dhaawacyada.

Joe Gomez ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyay ee ka dhaawacma Liverpool kadib markii uu xiddiga reer England ku dhaawacmay tababarka xulka qarankiisa.

Virgil van Dijk ayaa haatanba dhaawac dhamaadka xilli ciyaareedkan ah uga maqan kooxda Liverpool iyada oo laga qabsi qabo sidoo kale in uu Gomez kooxda ka maqnaado inta ka dhiman inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Kadib dhaawaca Gomez taageerayaasha Liverpool ayaa ku kaftamay in uu Jamie Carragher ku soo laabto ciyaaraha.

Taageere ayaa soo qoray”Carragher Maku soo celinaa garoomada”.

mid kale ayaa qoray” Waa in aan Carragher garoomada ku soo celino”.

“Qof hala xidhiidho Carragher si uu u soo laabto”ayuu taageere kale qoray.

“Kabahaaga soo qaado Carragher”ayuu taageere kale qoray.

Taageere kale ayaa qoray”Waan ku baryayaa Carragher  ku soo laabo garoomada”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*