Waa Kuma Xiddiga Barcelona U Ciyaara Ee Uu Ku Xidhanyahay Ku Biirista Lautaro Martinez Ee Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay soo afjari doonto baacsiga ay ugu jirto Lautaro Martinez xagaagan hadii uu Luis Suarez sii joogo kooxda Camp Nou.

Inkasta oo muddo dheer lala xidhiidhinayo Barcelona saxiixa weeraryahanka hadana Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa dhawaan qirtay in ay joojiyeen wadahadaladii ay kula jireen Inter sabab la xidhiidha xanuunka Koron.

Si kasta ha ahaatee warar ka imanay Spain ayaa sheegaya in ay Barcelona wali u dhaqaaqi karto xiddiga 22 jirka ah xagaagan.

Hadii uu Luis Suarez aqbalo dalabka uu ka haysto kooxaha horyaalka America Barcelona ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga Inter Milan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*