
Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal Ahna kabtanka Gunners ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa doonaya in ay Arsenal samayso saxiixyo waaweyn ka hor inta uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda sida ay sheegayaan wararku.
Weeraryahanka ayaa Arsenal ku hogaamiyay koobkii 14-aad ee FA Cup-ka Sabtidii Mikel Arteta ayaana doonaya in uu heshiis cusub ka saxiixdo xiddiga.
Pierre-Emerick Aubameyang ayay u badantahay in uu isaga tago kooxda hadii uuna heshiis cusub u saxiixin maadama uu heshiiskiisu dhici doono xagaaga dambe.
Fashilkii Arsenal ee u soo bixista champions League ayaa dhaawacday fursadaha Arsenal ku sii haysan karto xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang laakiin xiddiga reer Gabon ayaa wali sii joogi kara kooxda.
Wargaysa Le 10 Sport ayaa sheegaya in Pierre-Emerick Aubameyang doonayo in ay kooxdu samayso saxiixyo waaweyn xagaagan waliba ugu horeeyo xiddiga kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele.
Si kasta ha ahaatee Dembele ayaan wax xiiso ah u qabin in uu isaga tago Barcelona xagaagan xitaa hadii ay kooxda Barcelona doonayso in ay iska iibiso xiddiga.
Sii Akhriso: Dawlada Soomaaliya Oo Muqdisho Ku Soo Celisay Muwaadiniin Ku Xidhnaa Dalka Iran.
Be the first to comment