Waa Kuma Xiddiga Ay Maamulka Barcelona Ka U Diideen Ronald Koeman?

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay hor istaagtay isku daygii Ronald Koeman uu ku doonayay saxiixa xiddiga Inter Milan ee Romelu Lukaku xagaagan.

Lukaku ayaa Inter Milan kaga soo biiray Man United xagaagii hore waxana uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Inter Milan isaga oo dhaliyay 34 gool 51 kulan oo uu ciyaaray.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Koeman ayaa ku wargaliyay maamulka Barca in uu doonayo saxiixa laacibka reer Belguim oo uu kula soo shaqeeyay Everton si uu u noqdo badalka Luis Suarez.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in ay maamulka Barcelona ka hor istaageen saxiixa xiddiga reer Belguim sabab la xidhiidha saamaynta dhaqaale ee uu xanuunka Korona ku yeeshay kooxda iyaga oo aan awood u lahayn in ay la soo saxiixdaan xiddiga 27 jirka ah.

Lukaku ayaa Inter kula jira heshiis ilaa xagaaga 2024 dhici doona taas oo la macno ah in ay kooxda reer Italy meel fiican ka joogto heshiiska.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*