Waa Kuma Ben Davies? Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Daafaca Cusub Ee Liverpool.

Kooxda Liverpool ayaa ugu dambayn dhamaystirtay daafac ay si aad ah ugu baahnayd kadib masiibadii dhaawac ee ku habsatay kooxda xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa xalay kooxda Preston kala heshiisay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ben Davies kaas oo noqday saxiixii ugu horeeyay ee Reds suuqan.

Hadaba Waa Kuma Ben Davies.

Magaca dhamaystiran ee xiddiga ayaa ah Benjamin Keith Davies: laakiin waxa loo soo gaabiyaa Ben Davies waana daafac u dhashay dalka England kaas oo u ciyaara kooxda ka ciyaarta horyaalka heerka 2-aad ee Preston North End waana xiddig 25 jir ah.

Xirkadiisa ciyaareed:

Ben Davies ayaa 135 kulan u saftay kooxda 1-aad ee Preston waxana uu kooxda si joogto ah ugu ciyaarayay tan ilaa xilli ciyaareedkii 2017/2018.

Davies waxa ay 6 bilood oo kaliya uga hadhay heshiiskiisa kooxda waxana uu diiday in uuu heshiis cusub u saxiixo taas oo keentay in ay kooxdu ogolaato in ay iska iibiso.

Davies wali wax kulan ah uma ciyaarin xulka qarankiisa laakiin imaatinkiisa Liverpool ayaa tusi doona indhaha adduunka iyo tababaraha xulka qaranka England.

Qaab Ciyaareedkiisa:

Davies waa xiddig ka ciyaara daafaca dhexe ama sidoo kale ka ciyaari kara daafaca Bidix ee garabka waana xiddig ku ciyaara lugta Bidix.

Ma ahan xiddig ku fiican kubadaha cirka ama madaxa ah laakiin waa xiddig leh kalsooni waali ah sidoo kale ah xiddig dagan marka uu kubada haysto.

Sidoo kale waa xiddig ku fiican ciyaarista baasaska dhaadheer sida Virgil Van Dijk sidoo kale waxa uu ku fiican yahay in uu kubada baas ciyaaro mana ahan xiddigaha iska fogeeya kubada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*