Virgil Van Dijk Oo Soo Xushay Shaxdiisa 5-ta Xiddig Ee Ugu Fiican Premier League.

Daafaca kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa laga dalbaday in uu soo xusho shaxdiisa ka kooban 5-ta xiddig ee ugu fiican premier League.

Kabtanka 3-aad ee Liverpool Virgil Van Dijk ayaa doortay xiddigo kala duwan oo ay 3 ka mid ah u ciyaaraan kooxda Man City.

Laakiin waxa uu shaxdiisa ka reebay xiddigaha kooxaha Man United, Chelsea iyo waliba kooxdiisa Liverpool.

Van Dijk ayaa lagu xidhay shardi ah in uuna kooxdiisa Liverpool wax xiddigo ah ka soo dooran marka uu xulanayo shaxdiisa Premier League.

Sidaas darteed Van Dijk ayaa goolka u doortay Goolhayaha Man City ee Ederson halka uu sidoo kale doortay xiddigaha Kevin De Bruyne & Aymeric Laporte.

Sidoo kale waxa uu weerarka u doortay xiddigaha weerarka ka ciyaara ee Pierre-Emerick Aubameyang Iyo Son Heung-min

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*