Virgil Van Dijk Oo Sharaxay Qaabkii Uu Jurgen Klopp Ugu Qanciyay In Uu Iska Diido Man City, Chelsea & Man United

Daafaca kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa shaaca ka qaday qaabkii uu Tababare Jurgen Klopp ugu qanciyay in uu iska diido chelsea, Man City iyo Man United si uu ugu biiro Liverpool.

Van Dijk ayaa noqday daafaca ugu qaalisan suuqa kala iibsiga markii uu Anfield kaga biiray Southampton isaga oo suuqii January 2018 ugu biiray 75 milyan oo euro waxana uu qirtay in ay Pep Guardiola, Antonio Conte iyo Jose Mourinho-ba doonayeen saxiixiisa.

Laakiin xiddiga 28 jirka ah ayaa doortay Liverpool kadib markii uu Jurgen Klopp ku soo jiitay kaftiisa cajiibka ah.

Van Dijk oo Liverpool kula guulaystay champions League iyo Premier League ayaa yidhi”Waxa aan ku biiri karay man City, Chelsea ama Man United”.

“Marka aad is bar-bar dhigto kooxaha waxa aad eegaysaa taariikhdooda, magaalada, xiddigaha kooxda jooga iyo qorshohooda mustaqbalka dhaw”.

“Laakiin waxa ugu muhiimsanaa ayaa ahaa tababaraha, Klopp ayaana ahaa sababtii ugu muhiimsanayd ee aan ku doortay Liverpool”.

“Klopp waa mid khaas ah, ma waxa ay tahay tamarta?, ma waxa ay tahay sawirkiisa guud?.

“Waxa aan marar qaar kaligay meel fadhiistaa kadib is waydiiyaa waxa uu haysto ee ayna tababaryaasha kale haysan”.

“Waxan u malaynayaa in ay tahay shaqsiyadiisa maamulka, maalmahan arintaas aya ka muhiimsan kubada cagta”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*