Virgil van Dijk Oo Ka Hadlay Fursadaha Kooxdiisa Ku Guulaysiga Premier League.

Liverpool ayaa 11 dhibcood ka hoosaysa Man City xilli ay haystaan hal kulan oo baaqi ah sidaas darteed Liverpool ayaan u baahnayn in ay lumiso dhibco kale hadii ay doonayso in ay ku guulaysato horyaalka premier League xlli ciyaareedkan.

Daafaca dhexe ee kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa ka hadlay sida ay Reds u eegayso xaalada, wuxuuna ka hadlay fursadaha kooxdiisa ku guulaysiga horyaalka premier League ka hor kulanka Crystal Palace.

“Dabcan. Haddii aad korkayaga eegto xaalada, sida iska cad Man City waxa ay ahayd mid cajiib ah, waa koox fiican, waxa ay ku jireen qaab ciyaareed fiican sidaas darteed waxa ay noqonaysaa shaqo adag si aan u soo qabano”.

“Dabcan hadii uuna qofku rumaysnayn in aanan soo qaban karin Man City waa in uu Guriga iska joogo, waxa hadhay dhibco badan, waxa hadhay kulamo badan wax walbana way dhici karaan”.

“Waa in aan qabano shaqdeena ugu fiican walba aan u ciyaarno si fiican waxana jiri doona kulamo ay arimuhu nagu adkaan doonaan sidaas darteed waa in aan soconaa”ayuu sii raaciyay.