Virgil Van Dijk Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Liverpool

Daafaca Liverpool Virgil van Dijk ayaa tilmaamay inuu diyaar u yahay kaqeybgalka kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka 2021/22.

Van Dijk ayaa ka maqnaa Garoomada tan ilaa bishii October ee sanadkii hore kadib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaadhay intii lagu jiray kulankii Liverpool-Everton ee horyaalka premier League.

Van Dyck ayaa faallo ka bixiyay muuqaal fiidiyoow ah oo uu soo dhigay bartiisa “Instagram” oo uu ku qoray: “Diyaar garowga xilli ciyaareedka cusub”.

Daafaca reer Holland ayaa sii raaciyay”Inaad ka fikirto xilli ciyaareedka soo socda, taageerayaasha, iyo inaan mar kale ciyaari doono, halkaasoo aan rajeyneyno inaan guul la gaaro kooxda iyo xulka qaranka, waad ogtahay inay tahay wax farxad geliya”.

Liverpool Ayaa Si Weyn U Tabtay Maqnaanshaha Virgil Van Dijk Iyaga Oo Ku Fashilmay In Ay Difaacdaan Horyaalka Premier League.

2 Comments

  1. Waaw waaw soo dhawoo van dijk sxb waanu Ku Tebney weliba bitigeenii ayaa soo laabtey kooxda Norwich city ayaanu la ciyaareynaa bilawga horyaalka laba jeer oo aanu Ku biaabaney horyaalka weliba Norwich oo usoo dalacdey premier league sanadkii 1990 iyo 2020 labada goorba oo ay soo dalacdeyba waanu la ciyaarney waana ka badiney koobkana waanu qaadney

  2. Inaan kusugney waqti dheer, inaan usoo halgeynay inaadan niyad jabin adoo garoomada kamaqan in mudo ah, anagoo garowsan inaad mar walba kudadaashey inaad mar kale uciyaarto koox adag, inaad haddana diyaar u tahay is diyaarinta waa wax nawada farxad galinaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*