Virgil van Dijk Oo Amaanay Laba Daafac Oo U Ciyaara Chelsea

Daafaca Liverpool Virgil van Dijk ayaa aaminsan in xiddigaha daafaca dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee Thiago Silva iyo Antonio Rudiger ay ka mid yihiin daafacyada ugu fiican adduunka.

Labada xiddig ayaa muhiim ka noqday kooxda Thomas Tuchel kuwaas oo ku guulaystay champions League xilli ciyaareedkii hore.

Van Dijk ayaa muujiyay sida uu ula dhacsan yahay Sergio Ramos, Aymeric Laporte iyo Gerard Pique, laakiin sidoo kale wuxuu qabaa in labada xiddig ee chelsea ay la heer yihiin dhigooda.

Isagoo la hadlaya Sky Sports News, Van Dijk ayaa yiri: “Waxaa jira daafacyo aad u wanaagsan oo badan, wiilashii hore, Sergio Ramos, Thiago Silva, Gerard Pique.

“Haddii aad eegto Silva iyo Rudiger, waxaan u malaynayaa inuu xilli ciyaareed cajiib ah qaatay sannadkii hore iyo waliba sida ay muhiimka ugu noqdeen kooxdooda.

Sii Akhriso: Ragga Mise Dumarka? Keebaa Kalgacal badan Marka Uu Jacaylka Ku Dhoco?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*