Virgil van Dijk Mise Mohamed Salah? Xiddiga Ay Liverpool Muhiimada Siinayso Heshiiskiisa Cusub Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aansatay in ay marka hore heshiis cusub ka saxiixato daafaca dhexe ee Virgil Van Dijk ka hor inta ayna heshiis cusub ka saxiixan xiddiga Mohamed Salah.

Xiddigaha Virgil van Dijk & Mohamed Salah ayaa kooxda Liverpool kula jira heshiis dhici doona xagaaga 2023 laakiin Salah ayaa wakhtigii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Wargayska Eurosport ayaa sheegaya in ayna kooxda Liverpool ku deg-degayn in ay heshiis cusub ka saxiixato Mohamed Salah laakiin ay marka hore heshiis wakhti dheer ah ka saxiixan doonto daafaca Virgil Van Dijk.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ayna kooxda Liverpool ka wal-walsanayn mustaqbalka Mohamed Salah sidaas darteed ay wakhtigeeda qaadan doonto heshiis ka saxiixashada xiddiga.

Sidaas darteed Liverpool ayaa marka hore heshiis cusub ka saxiixan doonto xiddiga Van Dijk si ay kooxda ugu sii hayaan xiddiga muddo dheer.

Van Dijk ayaa haatan ka soo kabsanaya dhaawac jilib ah oo uu muddo dheer uga maqan yahay waxana ay Reds doonaysaa in ay xiddiga heshiiska cusub ka saxiixato marka uu garoomada ku soo laabto.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Hadii Gacaliyahaagu Kuu Xanaaqsan Yahay, Ku Raali Gali Arimahan, Wuu Ku Cafin Doonaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*