Vinicius Junior Oo Magacaabay Xiddiga Uu Aad U Tabayo Xilli Ciyaareedkan.

Garabka Real Madrid, Vinicius Junior, ayaa qirtay inuu si weyn u tabayo halyeeyga kooxda, Luka Modric.

Xiddiga reer Brazil ayaa sheegay in Modric uusan jeclayn guuldarro, isla markaana uu mar walba wax baro ciyaartoyda Los Blancos.

Vinicius iyo Modric waxay ahaayeen saaxiibo kooxeed ka hor inta uusan kabtanka Croatia ka tagin Madrid una wareegin AC Milan sanadkii hore.

Vinicius ayaa u sheegay Ibai Llanos:

“Ma jiro qof la mid ah Modrić. Hadda wuxuu jooga AC Milan, sanadkii horena wuxuu joogay Real Madrid, wuxuu ahaa kan ugu fiican adduunka.

Runtii waan u xiisay sababtoo ah mar walba wax ayuu na bari jiray. Xitaa tababarka ma jeclayn inuu ku guuldareysto. Aad ayuu u xanaaqi jiray.”

Modric waxaa si weyn loogu tixgeliyaa mid ka mid ah khadka dhexe ee ugu fiican kubadda cagta, isagoo hore ugu guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga