Vinicius Junior Oo Kashifay Xaalada ay Real Madrid Ku Garaaci Karto Liverpool Final-ka Champions League.

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa kashifay halka shardi ee ay kooxdiisu u baahantahay si ay Liverpool ugu garaacdo Final-ka Champions league sabtida.

Liverpool iyo Real Madrid ayaa sabtida isaga hor iman doona final-ka Champions League kulan ka dhici doona magaalada Paris.

Vinicius Junior ayaa sheegay in ay kooxdiisu u baahantahay in ay la mid noqoto cadaadiska iyo weerarka rogaal celiska ah ee ay Liverpool samayso hadii ay doonayso in ay badiso kulanka.

“Waxaan daawanay kulamo badan oo Liverpool ah, runtii waa koox aad u fiican, waliba awood leh”ayuu yiri Vinicius Junior ka hor finalka Champions League.

“Hadii aan soo bandhigno mid la mid ah cadaadiska Liverpool shaki la’aan waan badin karnaa”ayuu sii raaciyay.

Thiago, Fabinho, Van Dijk & Salah ayaa dhamaantood dhaawacyo soo gaadheen kulamadii ugu dambeeyay laakiin Vinicius Junior Ayaa doonaya in ay Liverpool kulanka soo gasho iyaga oo haysta dhamaan xiddigohooda.

“Dhaawacyada Liverpool? Waxaan rajeynayaa inay dhamaantood taam u yihiin finalka,” ayuu raaciyay.