Vinícius Júnior ayaa bixiyay raalli-gelin kaddib caro uu u muujiyay Xabi Alonso intii lagu jiray guushii 2-1 ee ay Real Madrid ka gaartay Barcelona Axadii.
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa aad uga cadhooday markii uu Alonso beddelay daqiiqaddii 72-aad, isagoo si toos ah u galay tunnel-ka garoonka Santiago Bernabéu.
Vinícius ayaa dib ugu soo laabtay kursiga keydka, balse wuxuu markaas dhexda uga jiray murankii ka dhex qarxay labada koox kaddib markii ciyaartu dhammaatay.
Warbixinaha ayaa sheegaya in xiriirka u dhexeeya Alonso iyo Vinícius uu noqday mid kacsan kaddib dhacdadaas, balse garabka reer Brazil ayaa hadda ka cudurdaartay ficilkiisii iyo sida uu ula dhaqmay tababaraha Real Madrid intii ciyaartu socotay.
Vinícius Jr ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri:
“Maanta waxaan rabaa inaan cafis weydiiyo dhammaan taageerayaasha Real Madrid sababta oo ah sida aan uga falceliyay markii la i beddelay ciyaartii El Clásico.”
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa sheegay inuu qirtay in falcelintiisu aysan habboonayn, isla markaana uu si buuxda u ixtiraamayo tababarihiisa iyo kooxdiisa.
Vinícius Jr ayaa sidoo kale raaciyay hadalkiisa isagoo leh:
“Sida aan hore ugu cudurdaartay si shaqsi ah intii lagu jiray tababarka maanta, waxaan markale rabaa inaan cafis weydiiyo saaxiibadayda kooxda, naadiga, iyo madaxweynaha.”
Wuxuu intaas ku daray in uu bartay cashar muhiim ah isla markaana uu doonayo inuu diiradda saaro ka caawinta Real Madrid inay sii wadato guulaha iyo hanashada koobabka.
Vinícius Jr ayaa hadalkiisa ku sii daray:
“Mararka qaarkood dareenkayga tartanka ayaa iga adkaada; had iyo jeer waxaan rabaa inaan guuleysto oo aan caawiyo kooxdayda”
“Dabeecaddayda tartanka waxay ka timaaddaa jacaylka aan u qabo naadigan iyo wax kasta oo uu u taagan yahay. Waxaan ballan qaadayaa inaan sii dagaallami doono daqiiqad kasta si aan ugu shaqeeyo wanaagga Real Madrid, sida aan sameynayay tan iyo maalintii iigu hor reysay.”
Be the first to comment