Koobka Adduunka 2026 ayaa la qaban doonaa inta u dhaxaysa 11-ka June ilaa 19-ka july, waxaana sanadkan martigelinaya saddex dal oo kala ah Mareykanka, Mexico iyo Canada.
Vinicius Jr, oo la filayo inuu ka mid noqdo xulka Brazil ee ka qeyb galaya Koobka Adduunka, ayaa magacaabay Argentina, Portugal, France iyo Spain inay yihiin xulalka ugu fiican tartanka.
“Xulalka qaranka ee ugu fiican ka hor Koobka Adduunka? Way badan yihiin,” ayuu Vinicius yiri sida uu soo xigtay Madrid Xtra.
“Waan jeclahay sida ay u ciyaaraan Portugal, Spain, France iyo Argentina. Afartan xul waa kuwa ugu fiican; waxay beddeleen ciyaartoy dhowr ah tan iyo Koobkii Adduunka ee ugu dambeeyay.”
Dhanka kale, Argentina ayaa ah xulka heysta Koobka Adduunka kadib markii ay ku guuleysatay tartankii ugu dambeeyay ee lagu qabtay Qatar.
Be the first to comment