Viktor Gyökeres Oo Sharaxay Sababta Uu U Doortay Arsenal Una Diiday Kooxaha Kale.

Weeraryahanka reer Sweden Viktor Gyökeres ayaa shaaca ka qaaday sababta uu ugu biiray kooxda Arsenal inkasta oo uu dalabyo ka helay kooxo kale oo Yurub ah.

Gyokeres ayaa ugu dambeyntii ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee Arsenal kulankii Tottenham ee saaxiibtinimo kadib markii uu sabtidii ku soo biiray.

Gyökeres ayaa kooxda waqooyiga London u xiran doona lambarka 14-aad, waxaana uu kooxda uga soo biirayaa Sporting CP.

Isagoo la hadlayay website-ka kooxda Khamiistii, wuxuu yiri, “Waxaa jiray kooxo badan oo doonayay saxiixayga laakiin waxaan doonayay inaan halkan imaado Arsenal…waa kooxda iigu fiican”.

“Ma ahayn heshiis sahlan, dadka qaarkiis waxay lahadleen warbaahinta mar walba… waxay u maleeyeen inay ilaalinayaan danaha kooxda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga