Viktor Gyokeres Oo Afka Furtay Xilli Ay Arsenal Riixayso Saxiixiisa.

Viktor Gyokeres ayaa sheegay in uu doonayo in uu ku soo laabto Premier League laakiin waxa uu sheegay in uu kaliya ku biiri doono koox ‘Runtii i doonaysa’ ka dib xiisaha Arsenal iyo Manchester United.

Arsenal ayaa wadahadalo badan la qaadatay Sporting CP si ay ula soo saxiixato Gyokeres xagaagan laakiin ilaa hadda ma awoodo in ay heshiis la gaarto kooxda reer Portugal.

Manchester United iyo Juventus ayaa sidoo kale la xiriiray Gyokeres xagaagan laakiin 27 jirkaan ayaa u sheegay labada kooxood in Arsenal ay tahay meesha uu doorbidayo.

Si kasta ha ahaatee Sporting Lisbon ayaa ku adkaysanaysa in ay ku iibinayso lacag han 80 milyan oo euro.

Gyokeres ayaa haatan isku dayaya in uu ku qasbo in uu dhaqaaqo isaga oo diiday in uu dib ugu soo laabto tababarka kooxda Sporting dhamaadka todobaadka iyada oo kooxda heysata horyaalka Portugal ay haatan baadhayso dacwado anshax marin ah.

Markii wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa wareysi uu siiyay France Football, Gyokeres wuxuu yiri:”Tani waa kubada cagta, ma garan kartid waxa dhacaya, arintaas kama fikirayo waan arki doonaa waxa dhici doona”.

“Haddii ay wax dhacaan, way dhici doontaa. Waxa iigu muhiimsan waa inaan u ciyaaro koox runtii i doonaysa”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga