Vidal Oo Guul Ku Soo Hogaamiyay Barcelona , Real Valladolid Ayay Ka Soo Talaabsadeen

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul dirqi ah ka gaadhay Real Valladolid oo ay marti u ahayd, waxaanay soo gaabisay dhibcaha ay Real Madrid hoggaanka horyaalka LaLiga kaga hayso.

Gool madi ah oo qaybtii hore uu u dhaliyey Arturo Vidal ayaa Barcelona ugu filnaanay inay saddexda dhibcood ka qaadato Valladolid oo ay kaga adkaatay 1-0.

Barcelona ayaa heshay fursado ay goolal kale ku dhalin karaysay, laakiin difaaca kooxda kasoo horjeeday ayaa u diyaarsanaa inay xakameeyaan Lionel Messi oo lagu soo dardaaray, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay goolka kaliya ee uu Vidal saxeexay.

Guushan ayaa Barcelona siisay inay hal dhibic kaliya ka dhigto farqiga ay Real Madrid hoggaanka horyaalka kaga hayso, laakiin Los Blancos oo Isniinta ciyaaraysa ayaa ku laaban karta afar dhibcood oo ay hoggaanka ku qabato haddii ay guul ka gaadho Granada oo ay u tegayaan.

Shaxdii labada kooxood

BARCELONA (4-3-1-2): Marc-Andre ter Stegen; Nelson Semedo, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Sergi Roberto, Sergio Busquets, Arturo Vidal; Riqui Puig; Antoine Griezmann, Lionel Messi.

Kaydka: Ivan Rakitic, Luis Suarez, Neto, Martin Braithwaite, Junior Firpo, Ronald Araujo, Arnau Tenas.

REAL VALLADOLID (4-5-1): Jordi Masip; Javier Moyano, Kiko Olivas, Javi Sanchez, Raul Garcia; Oscar Plano, Fede San Emerterio, Joaquin Fernandez, Ruben Alcaraz, Kike Perez; Sergi Guardiola.

Kaydka: Matheus Fernandes, Enes Unal, Pablo Hervias, Jose Antonio Caro, Antonito, Toni Villa, Sandro Ramirez, Nacho, Waldo Rubio, Miguel De la Fuente, Diego Alende, Victor Garcia.

Tababare Quique Setien oo maanka ku hayay in Real Madrid ay horyaalka u dabbaal-degi doonto Isniinta haddii kooxdiisu guuleysan weydo kulankan, ayaa laba beddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Espanyol usbuucii hore, isla markaana ay guusha dirqiga ah kaga gaadheen Camp Nou. Luis Suarez oo ahaa xiddigii guusha ku hoggaamiyey ayaa uu kaydka dhigay, waxaanu door-biday in Griezmann iyo Messi uu afka hore ku mataaneeyo, isla markaana uu da’yarka Puig badhi-taar uga dhigo oo uu uga soo shaqeeyo khadka dhexe.

Daqiiqaddii 5aad ee ciyaarta ayay Barcelona khalkhal gelisay goolka Real Valladolid, iyadoo kubbad uu dhinaca midig ka keenay Nelson Semedo uu u dhiibay Puig oo isaguna si toos ah u weeraray goolka, laakiin Masip ayaa halkaas u joogay sidii uu kubadaha uga joojin lahaa goolkiisa.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!! Arturo Vidal ayaa hoggaanka u dhiibay Barcelona. Halgamaaga reer Chile ayaa laag awood badan kaga ganay goolka Valladolid isaga oo ku dhex-jira xerada ganaaxa, waxaanay ka hoos baxday goolhaye Jordi Masip oo intii aanu istuurin ba ay dhaaftay.

Lionel Messi ayaa goolkan caawiye ka noqday, waxaanu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee taariikhda horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ka sameeya 20 gool oo caawin ah xili ciyaareed gudihii sidoo kalena 20 gool iyo ka badan goolal ah dhaliya.

Lionel Messi ayaa qaybta hore ku dhowaaday inuu gool dhaliyo, laakiin difaaca Valladolid ayaa u muuqday inay si fiican usoo daraaseeyeen dhaqaaqiisa, tababarahooduna kusoo ballamiyey inay xakameeyaan marka uu kusoo dhowaado xerada ganaaxa.

Qaybta labaad ee ciyaarta ayay Barcelona awooddeeda gacan ku haysa halkii kasii wadday, waxaanu tababare Quique Setien oo dareensanaa in aanay Valladolid khatar weyn ku haynin uu sameeyey beddelo dhawr ah iyadoo uu saaray tiir-dhexaadka kooxdiisa ee Sergio Busquets.

Daqiiqaddii 92aad: Ter Segen ayaa la baxsaday Barcelona, waxaanu badbaadiyey kubbad uu kasoo shaqeeyey Unal oo uu helay Sandro Ramirez oo laag awood badan ku toogtay goolka uu waardiyaha ka ahaa Ter Stegen.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay Barcelona guushu ku raacday, waxaanay kooxda reer Catalonia soo gaabisay dhibcaha ay Real Madrid hoggaanka kaga hayso oo ay ka dhigtay 1 dhibic oo kaliya xilli ay horyaalka laba dhibcood uga hadhsan yihiin, laakiin Los Blancos ayaa kulankeeda ciyaari doonta Isniinta, waxaana haddii ay badiso ay hoggaanka ku qaban doontaa 4 dhibcood, iyadoo markaas kaddibna u baahan doonta inay hal guul oo kaliya ka  hesho labada ciyaarood ee u hadhay.

Laacib.net

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*