Victor Lindelof Oo Kashifay Sababta Ka Dambaysa Qaab Ciyaareedka Xun Ee Ay Man United Ku Bilaabatay Xilli Ciyaareedka.

Daafaca kooxda Man United ee Victor Lindelof ayaa sheegay in isku diyaarintii yarayd ee xilli ciyaareedka cusub sabab u tahay qaab ciyaareedka xun ee ay Man United ku bilaabatay xilli ciyaareedka.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa laga badiyay 2 kulan 3 kulan oo ay ciyaareen horyaalka premier League iyaga oo guuldaro 6/1 ah kala kulmay kooxda Tottenham ka hor fasaxii xulalka.

United ayaa la siiyay todobaad dheeraad ah oo ay isugu diyaariyaan xilli ciyaareedka cusub kadib markii ay Europa League ciyaareen bishii August laakiin kooxda Solskjaer ayaa kaliya ciyaaray hal kulan oo saaxiibtinimo ah ka hor bilaabashada xilli ciyaareedkooda.

Lindelof ayaana rumaysan in qaar ka mid ah xiddigaha kooxda Man United ayna taam u ahayn sabab la xidhiidha in ayna helin isku diyaarin fiican oo xilli ciyaareedka.

“Si fiican kumaanu bilaaban horyaalka, ma garanayo, laakiin waxa ay u badantahay in aan ciyaarnay Europa League wakhti dheer kadibna aanan helin fasax fiican, waa su’aal ay adagtahay in laga jawaabo”ayuu Lindelof yidhi.

“Waxa aanu helnay kaliya hal ama laba todobaad oo isku diyaarin xilli ciyaareed ah ka hor inta aanan bilaaban xilli ciyaareedka, maaanan gaadhin heerkii aan doonaynay”.

Sii Akhriso: XASAASI: Ciidamo Ka Soo Goostay Puntland Oo Ku Biiray Ciidamada Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*