Victor Lindelof Oo Digniin Horyaalka Ku Saabsan U Diray Liverpool Kadib Guushii Weynayd Ee Leeds United.

Daafaca kooxda Man United ee Victor Lindelof ayaa xiddigaha kooxdiisa u sheegay in ayna ka hadlin tartanka horyaalka inkasta oo uu qirtay in ay kalsoonidu u soo laabanayso kooxda Solskjaer.

Kadib guushii weynayd ee ay ka gaadheen kooxda Leeds United Red Devils ayaa haatan 5 dhibcood u jirta hogaamiyayaasha horyaalka Liverpool iyaga oo sidoo kale hal kulan baaqi u ah.

“Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in aan diirada saarno kulamadeena waana wixii aan samaynaynay kulamadii ugu dambeeyay”ayuu Victor Lindelof yidhi.

“Waxan u malaynayaa in aan si fiican u ciyaaraynay kulamadii ugu dameeyay”.

“Muhiimadeena ayaa ah in aan si fiican u ciyaarno oo aan kulamadeena diirada saarno”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*