
Arsenal ayaa talaabo kale oo weyn u qaaday saxiixa Viktor Gyokeres.
Standard Sport ayaa fahansan in Gunners ay ku sii dhawaanayso saxiixa xiddiga Sporting xilli Mikel Arteta uu doonayo in uu la soo wareego weeraryahanka uu doonayo ugu dambayn.
Iyadoo la hadal hayo heshiis ku kacaya 80 milyan oo Yuuro (£68.8m), ayaa la rumeysan yahay in ay socdaan wada xaajoodyo u dhaxeeya labada kooxood oo ku saabsan qaab dhismeedka lacag bixinta ka hor inta aysan Sporting aqbalin dalab.
Waxaa jira rajo ah in heshiis la gaari doono, Sporting ayaana horey u calaamadisay badalka Gyokeres.
Sida laga soo xigtay saxafiga Fabrizio Romano, weeraryahankii hore ee Watford Luis Javier Suarez ayaa la bartilmaameedsanayaa si uu u buuxiyo kabaha Gyokeres.
Be the first to comment