Weeraryahanka Arsenal Victor Gyökeres ayaa ka hadlay dadaalka kooxda ee hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Arsenal ayaa 2 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka premier League kadib markii la gaadhay kala badhka xilli ciyaareedka.
Gunners ayaa doonaysa in ay ku guulaystay premier League markii ugu horaysay muddo ku dhaw 20 sano.
“Mar walba waxaan ku dadaalaa inaan bandhigga ugu fiican sameeyo kulan kasta. La qabsiga nidaamka koox cusub, fahamka doorkaaga, iyo sida aad ula jaanqaaddo waa arrin aad u muhiim ah”.
Waqtigan xaadirka ah, si fiican ayaan u ciyaareynaa, natiijooyin aad u wanaagsan ayaana gaareynaa. Booskeenna waa mid adag, labadaba Premier League iyo Champions League”.
“Si kastaba ha ahaatee, waa inaan sii wadnaa shaqada isla sidaan,” ayuu yiri Gyökeres.
Ilaa iyo hadda xilli ciyaareedkan, Gyökeres wuxuu dhaliyay 7 gool isagoo ciyaaray 20 kulan dhammaan tartamada uu Arsenal ka qeybgalay. Kooxda ayaa ku iibsatay qiyaastii €70 milyan kaddib markii ay xagaagii 2025 kala soo wareegeen Sporting.
Be the first to comment