Varane: Waxa Aan Doonaynaa In Aan Garaacno Man City, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Daafaca kooxda Manchester United Raphael Varane ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in ay garaacaan kooxda Manchester City kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa aadi doonta garoonka Etihad kulan ka tirsan premier League iyaga oo la ciyaari doona kooxda ay xafiiltamaan ee Man City kulan ka tirsan todobaadkii 9-aad.

Varane ayaa ku yiri”Tartanka inta badan wuxuu ka yimaadaa taageerayaasha, waa u muhiim iyaga waana ixtiraameynaa taas”.

“Waxaan dooneynaa inaan ka farxino taageerayaasheenna, sidaas darteed waxaan dooneynaa inaan u dagaalano guusha kulanka Man City”.

Daafaca 29-jirka ah ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: “Ciyaaryahan ahaan waa inaad dareentaa waxa ay taageerayaashu kaa rabaan isla markaas samayso arintaas waana mid muhiim ah”.