Varane, Sancho, Gerrard, Messi, Martial, Kounde, James, White & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Klaa Iibsiga

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Xiddiga Real Madrid ee Raphael Varane ayaa doonaya in uu ku biiro Man United laakiin mushaharka 400 ee kun ee todobaadkii uu dalbanayo ayaa sabab u noqon karta in uu heshiisku fashilmo (Independent).

Kooxda Tottenham ayaa tababare ka dhigan doonta tababare Steven Gerrard hadii ay ku fashilmaan in ay Nuno Espiirto Santos ku qanciyaan in uu kooxda yimaado (Evening Standard).

Kooxda Brighton ayaa diiday dalabkii 45-ka milyan ahaa ee ay Arsenal ka gudbisay saxiixa xiddiga Ben White iyaga oo u sheegay in ay dalabkooda ka dhigaan 50 milyan oo lacag toos ah (Metro).

Kooxda Man United ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga Jadon Sancho waxana laga yaabaain ay ku dhawaaqdo 2-da todobaad ee soo socda (Manchester Evening News).

Xiddiga Lionel Messi ayaa wadahadalo horumar leh kula jira si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda Barcelona (Sky Sports).

Wakiilka xiddiga Timo Werner ayaa diiday in uu meesha ka saaro in uu xiddiga 25 jirka ah xagaagan ku biiri doono kooxda Bayern Muich (Sport1).

Kooxda Man United ayaa iska iibinaysa 12 xiddig oo kala ah  Donny van de Beek, Anthony Martial, Jesse Lingard, Diogo Dalot, Andreas Pereira Iyo Nemanja Matic marka ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Jadon Snacho (ESPN).

Lionel messi ayaa sabab u noqon kara in ay Barcelona iska iibiso 11 xiddig oo ay ka mid yihiin  Ousmane Dembele, Antoine Griezmann, Philippe Coutinho, Samuel Umtiti, Sergi Roberto, Miralem Pjanic, Marc-Andre Ter Stegen iyo Ilaix Moriba hadii ay doonayaan in ay heshiis cusub ka saxiixdaan Messi (Mirror).

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Sevilla ee Jules Kounde ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Real Madrid (AS).

Kooxda Arsenal ayaa Liverpool kula biirtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lulle iyo xulka Portugal ee Renato Sanches (90Min).

Kooxda Aston Villa ayaa mar kale Arsenal ku tijaabinaysa dalab cusub oo ay ka gudbinayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Emile Smith Rowe (Express).

Kooxda Man United ayaa sabab u noqon karta in ay chelsea waydo saxiixa xiddiga Erling Haaland hadii ay dhamaystiraan saxiixa Jadon Sancho xagaagan (Express).

Kooxda Real Madrid ayaa iska diiday in ay dib ula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee James Rodriguez suuqa xagaagan (Expres).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Aston Villa ee Jack Grealish ayaa ogolaaday in uu ku biiro Man City si uu ugu guulaysto champions league (Sun).

Kooxda Liverpool ayaa horumar ka samaysay wadahaladii ay kula jirtay kooxda PSV ee ay ku doonaysay saxiixa xiddiga Donyell Malen (Sun).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*