Varane, Grealish, Mbappe, Sterling, Ramos, Haaland, Sterling, Pogba & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda chelsea ayaa Man City kula tartami doonta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jack Grealish (Football Insider).

Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa maamulka kooxdiisa u gudbiyay warqada Bixitaanka isaga oo doonaya in uu isaga tago kooxda suuqa xagaagan (RMC Sport).

Xiddiga garabka uga ciyaara Man City ee Raheem Sterling ayaa iska diiday in uu ku biiro kooxda Arsenal kadib markii ay Gunners dhigeeda Man City wax ka waydiisay helitaanka xiddiga (ESPN).

Kooxda chelsea ayaa isku dayi doonta in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Villarreal ee Gerard Moreno hadii ay ku fashilmaan saxiixa Erling Haaland (Fichajes).

Kooxda Real Madrid ayaa ka wal-walsan in uu xiddiga Raphael Varane haatanba heshiis la gaadhay kooxda Man United xilli ay Red Devils isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga (Metro).

Xiddiga Sergio Ramos ayaa Asxaabtiisa ku dhaw u sheegay in uu ku biiri doono kooxda PSG isaga oo iska diday kooxaha Man United iyo Man City (AS).

Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Philippe Coutinho laakiin waxa ay ku xidhay shardi ah in uu muujiyo taam ahaanshihiisa (Sport).

Kooxda Liverpool ayaa gabi ahaan isaga hadhay xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Borussia Monchengladbach ee Florian Neuhaus (Liverpool Echo).

Kooxda Arsenal ayaa ku sii dhawaanaysa dhamaystirka saxiixa xiddiga daafaca dhexe uga ciyaara kooxda Brighton ee Ben White (Sun).

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay diidi doonto heshiis isku badalasho ah oo ay Man United u soo bandhigayso saxiixa xiddiga paul Pogba si ay u hesho saxiixa daafaca Raphael Varane (Mirror).

Kooxda Liverpool ayaa rajaynaysa in ay suuqa xagaagan dhamaystirto saxiixa xiddig khadka dhexe ah inta uu furanyahay suuqa xagaagan (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaa bilowday in ay diyaariso in ay iska iibiso xiddiga Alexandre Lacazette si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Everton ee Dominic Calvert-Lewin (Telegraph).

Xiddiga u ciyaara xulka qaranka Croatia ee Josko Gvardiol ayaa qirtay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Liverpool (Star).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Kingsley Coman ayaa doonaya in uu kooxdiisa ku qabso in ay ka iibiso kooxda Man United suuqa xagaaga (Sun).

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Faa’iidada Ugu Weyn Ee Kulanka Sariirta Oo Daraasad Lagu Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*