Van Dijk Oo Sheegay Sidii Ay Kooxdu Uga Fal Celisay Hadalkii Salah

Kabtanka Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa sheegay in dhacdadii Iyo hadaladii Mohamed Salah uuna wax saamayn ku yeelan kooxda isla markaas ay si caadi ah u qaadanayaan tababarka.

Salah ayaa dhaliyay muran weyn kadib markii uu sheegay in ay jirto cid ku riixaysa in uu ka tago kooxda kadib markii uu kaydka ku bilowday kulanii Leeds United.

“Ma ahayn xaalad adag, sida iska cad waxa uu ku hadlay dareenkiisa kadib ciyaarta”ayuu yidhi.

“Waan ognahay waxa dhacaya laakiin dadka dibada ka jooga kooxda ayaa ka dhigaya wax ka weyn sida ay tahay”ayuu sii raaciyay.

“Waa in aan la macaamilno xaqiiqada oo aan u diyaar garawno kulamada”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga