Van Dijk Oo Shaki Galiyay Mustaqbalkiisa Liverpool

Kabtanka Liverpool Virgil van Dijk ayaan wali wax fikrad ah ka haysan in uu sii joogi doono kooxda wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa ka mid ah seddexda ciyaaryahan ee caanka ah – Mohamed Salah iyo Trent Alexander-Arnold kuwa kale – oo qandaraaskooda uu dhacayo bisha June.

Wadahadalada ayaa socday in muddo ah, 33-sano jirkaan ayaa doonaya inuu kordhiyo qandaraaskiisa laakiin ma jiro wax horumar ah oo laga gaaray dhameystirka qandaraaska cusub.

“Wali wax fikrad ah ma hayo hadda. Runtii,” ayuu yiri daafaca dhexe ka dib markii ay Champions League uga soo hareen Paris Saint-Germain rigoorayaal.

“Waqtigan xaadirka ah xitaa ma garanayo waxa dhici doona sanadka soo socda, haddii qof ku yiraahdo waan garanayaa, wejigaaga been bay ka sheegayaan.

“Qof walba waa ogyahay inay jiraan wadahadalo laakiin kaliya waa intaas”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga