Van Dijk Oo Rajo Galiyay Taageerayaasha Liverpool, Daawo Muuqaalka

Daafaca Virgil Van Dijk ayaa kor u qaaday rajada taageerayaasha Liverpool kadib markii uu buraha bulshada soo bandhigay muuqaal uu ku muujinayo in uu ku dhawyahay in uu ku soo laabto garoomada kadib dhaawac uu muddo uga maqnaa.

Daafaca ayaa ka dhaawacmay Liverpool kulankii ay la ciyaareen Everton ee dhacay bishii October kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Van Dijk ayaa haatan kooxdiisa seegay 15 kulan oo tartamada oo dhan ah kadib markii uu dhaawac jilibka ah ka soo gaadhay qaliina lagu sameeyay.

Laakiin Van Dijk ayaa ka farxiyay taageerayaasha iyo waliba kooxda lafteeda kadib markii uu Twitter-kiisa soo dhigay muuqaal uu bilaabay in uu kubada tababar ku qaato isaga oo ku sugan qolka Jimicsiga Reds.

Warkan ayaa la macno ah in uu Van Dijk garoomada ka maqanaan doono wakhti ka yar intii la filayay waliba mar kale u ciyaari doono Xilli ciyaareedka Liverpool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*